Ducooyinka subaxdii iyo galabtii

lama qorin

lama qorin

{asbaxnaa wa asbaxal mulku lillaah, walxamdu lillaah laa ilaaha illallaahu waxdahu laa shariika lahu, lahulmulku wa lahul xamdu wa huwa calaa kulli shay-in qadiir,rabbi as-aluka khayra maa fii haadalyowm, wa khayra maa bacdahu, wa acuudu bika min sharri maa fii haadal yowm wa sharri maa bacdahu, rabbi (acuudu bika minal kasali, wa suuil-kibari, rabbi acuudu bika min caddabin finnaar wa cadaabin fil-qabri}“waan waabariisanay, boqornimaduna wey waabariisatay iyadoo usugan ilaahay, mahad ilaahay ayaa leh, ilaah xaq lagu caabudaana majiro ilaahay mooyee kaligii, cid wax lawadaagtana malaha, wuxuu leeyahaya boqornimada, wuxuuna leeyahayna mahadda, shay kastana wuu karaa, rabbiyow waxaan ku weydiisanayaa (inaad i siiso) khayrka maalintan iyo khayrka kadambeeya, waxaan kaa magangalayaa sharka maalintan iyo sharka kadambeeya, rabbiyow waxaan kaa magangalayaa caajiska, waxaana kaa magan galayaa gabow-xumi, rabbiyow waxaan kaa magan galayaa cadaab naarta (dhexdeeda ah iyo cadaab qabriga dhexdiisa ah

{allaahumma bika asbaxnaa wa bika amsaynaa wabika naxyaa wabika namuutu wa ilaykannushuur}“allow sababtaada ayaan ku waabariisanay, sababtaadaana ku galabaysanay, sababtaadaana ku noolnahay sababtaadaana ku dhimanaynaa, xagaaguuna ahaaday soobixitaanku

{allahumma anta rabbii laa ilaaha (illaa anta khalaqtanii wa anaa cabduka wa anaa calaa cahdika wa wacdika mastadactu,acuudu bika min sharri maa sanactu wa abuu>u laka binicmatika calayya wa abuu>u bidambii faqfirlii fa innahu laa yaqfiruddunuuba illaa anta} «allow adigu waxaa tahay rabbigay, ilaah majiro adiga mooyee, adigaa i abuuray, aniguna waxaan ahay adoonkaaga, waxaana ku suganahay balankaagii iyo yaboohaagii intaan awooday, waxaan kaa magangalayaa sharka aan sameeyay,waan kuu qirayaa nicmada aad ii nicmaysay,waana qirayaa danbigayga,ee ii dambi dhaaf, ma dhaafo dambiyada adiga mooyee».ducadan waa duco aad u weyn, qofka yiraahdana isagoo yaqiinsan kadibna dhinta isla habeenkiisaas, janno unbuu (horay ka gali.

{allahumma innii asbaxtu ush-hiduka wa ush-hidu xamalata carshika wa ma-laa-ikatika wa jamiica khalqika annaka antallaahu laa ilaaha illaa anta waxdaka laa shariika laka, wa anna muxammadan cabduka wa rasuuluka} (afar jeer) marka aad galabaysatid ku badal erayga (allahumma innii asbaxtu) erayga (allahumma innii amsaytu)“allow aniga waagaa iibaryey anigoo ku marag galinaya, makhraatigalinayana xambaarayaasha carshigaaga, iyo malaa-igtaada iyo dhamaan uunkaaga inaad tahay adigu ilaahay. ilaah majiro (adiga mooyee kaligaa, malihid wadaage, nabi muxammadna waa adoonkaagii iyo ergaygaagii (qofkii dhaha afar jeer subaxdii iyo galabkiiba ilaahay wuxuu ka xorayn naarta).

{allahumma maa asbaxa bii min nicmatin aw bi axadin min khalqika fam-inka waxdaka laa shariika laka, falaka alxamdu walakal-shukru}.Waxaad ku badashaa galabtii areyga allahumma maa asbaxa areygan:(allahumma maa amsaa} qofka dhaha ducadan subaxdii wuu gudtay maalintiisaas mahadnaqa rabigiis, qofkii yiraahdana galabkii isaguna wuu gudtay (mahadnaqa rabbigiis habeenkiisaas.“allow waxa aan ku waabariistay oo nimco ah, ama uu ku waa bariistay qof kale oo uunkaaga kamid ah, adiga xagaaga ayuu kasugnaaday kaligaa, cid wax kula wadaagtana ma lihid, allow waxaa kuu sugnaaday mahad iyo shukri.

{allahumma caafinii fii badanii al-lahumma caafinii fii samcii allahumma caafinii fii basarii laa ilaaha illaa anta allahumma innii acuudu bika minal kufri wal faqri wa acuudu bika min cadaabin fil-qabri laa ilaaha illaa anta} waxaa la dhahaa seddex jeer. < allow ii caafi jidhkayga, allow ii caafi maqalkayga, allow ii caafi aragayga, ilaah majiro adiga mooyee, allow anigu waxaan kaa magan galayaa gaalnimo, waxaana kaa magan galayaa saboolnimo, waxaana kaa magan galayaa cadaabka qabriga, ilaah majiro xaq lagu caabudaa adiga mooyee >.

{xasbiyallaahu laa ilaaha illaa huwa calayhi tawakaltu wa huwa rabbulcarshil-cadiim} todoba jeer, Qofka dhaha totoba jeer ducadan,subaxdii iyo galabkii, ilaahay ayaa ka kaafinaya wax kasta oo murugo galiya aduun iyo aakharaba.“waxaa igu filan ilaahay, ilaah majiro xaq lagu caabudo isaga mooyee, isagaana tala saartay, isaguna waa rabbiga carshiga weyn}.

{allaahumma innii as-alukalcafwa walcaafiyata fiddunyaa wal-aakhirati, allaahumma innii as-aluka alcafwa wal-caafiyata fii diinii wa dunyaaya wa ahlii wa maalii, allaahumma-stur cawraatii wa aamin rawcaatii allaahummaxfadnii min bayni yadayya wa min khalfii wa can yamiinii wa can shimaalii wa min fawqii, wa acuudu bicadamatika an uqtaala min taxtii} “allow waxaan ku weydiisanayaa cafis, iyo caafimaadqab, aakhiro iyo aduunba, allow waxaan ku weydiisanayaa cafis iyo caafimaad diintayda dhexdeeda iyo aduuyadayda iyo ehelkayga iyo maalkaygaba, allow astur cawrooyinkayga, cabsiyadaydana iigu amaan, allow iga ilaali hortayda iyo gadaashayda iyo midigtayda iyo bidixdayda, iyo korkayga, allow weynaantaada ayaan u magan galayaa in hoostaydana la iga shirqoolo.

{allaahumma caalimal qaybi washshahaadati,faadirassamaawaati wal ardi (rabba kulli shay-in wa maliikah, ash-hadu an laa ilaaha ilaa anta ,acuudu bika min sharri nafsii, wa min sharri shaydaani wa shirkihi, wa an aqtarifa calaa nafsii suuan aw ajurrahu ilaa muslimin}.“allow allihii waxa maqan iyo waxa joogaba(la arko) ogaayow, cirka iyo dhulkana rabbigii abuurayow, rabbigii shaykasta lahaayow, waxaan qirayaa in uusan jirin ilaah xaq lagu caabudo adiga mooyee, waxaan kaaga magan galayaa sharka naftayda, iyo sharka shaydaanka iyo shirkigiisa ama dabinkiisa, waxaan kaloo kaa magan galayaa in aan naftayda xumaan u soo jiido, ama qof muslin ah u soo jiido xumaan.

{bissmilaahilladii laa yadurru maca ismihi shay-un fil ardi walaa fissamaai, wa huwassamiicul caliim}qofkii yiraah-da saddex jeer subaxdii iyo galabkii ducadan wax dhiba ma arkayo..“magaca ilaahay ayaan ku billaabayaa, magacaasoo uusan dhibin lajirkiisa wax ku sugan dhulka iyo cirka, allena waa maqal badane cilmi badane ah.

{radiitu billaahi rabbaa wa bil islaami diinaa wa bi muxammadin nabiyyan wa rasuulaa}qofkii yiraahda saddex mar subaxdii, saddex marna galabkii, waxaa balan ah in ilaahay raali galiyo maalinta qiyaamaha. “waxaan raali uga ahay ilaahay rabbinimo, islaamkana diinimo, muxammadna s.c.w nabinimo.

{yaa xayyu yaa qayyuumu biraxma-tika astaqiithu, aslix lii sha-nii kullahu, wa laa takilnii ilaa nafsii darfata caynin}.“allihii noolaayow, allihii qayyuumka ahaayow(allihii qabanayay dhamaan arimaha koonka), naxariistaada darteeda ayaan gurmad ku dalbayaa,wanaaji arinkayga dhamaantiis, hana igu dhawrin naftayda ilbiriqsi.

{asbaxnaa wa asbaxal mulku lillaahi rabbil caalamiina, allaahumma innii as- aluka khayra haadal yawm, fatxahu, wa nasrahu, wa barakatahu, wa nuurahu, wa hudaahu wa acuudu bika min sharri maa fiihi wa sharri maa bacdahu}“waan waa bariisanay, boqornimaduna wey waa bariisatay iyadoo u usugan ilaahaygii caalamiinta rabigooda ahaa, allow waxaan ku weydiisanayaa khayrka maalintan,fatxigeeda( furashadeeda), iyo gargaarkeeda, iyo nuurkeeda iyo barakadeeda iyo hanuunkeeda, waxaana kaa magan galayaa sharka ku sugan dhexdeeda iyo sharka ka dambeeyaba.

{asbaxnaa calaa fidratil islaami, wa calaa kalimatil ikhlaasi wa calaa diini nabiyinaa muxamadin s.c.w wa calaa millati abiinaa ibraahiima xaniifan musli-man wa maa kaana minal-mushrikiin}. “waxaan ku waa bariisanay fidrada(diinta) islaamka, iyo kalmada runta ah, iyo diinta nabigeena muxammad s.c.w iyo diinta aabaheen ibraahiim ee ahaa mid ka iishay diimaha(gaalada) oo dhan, muslimna ahaa, kamana mid ahayn mushrikiinta(gaalada).

{subxaanallaahi wa bixamdihi}Qofkii dhaha boqol mar subaxdii iyo galabkii, ma imaanayo nin ka fadli badan maalinta qiyaamo, nin intiisa oo kale ama ka badiyay mooyee.“ilaahaybaa xumaan ka hufan, mahadna leh.

{laa ilaaha illallaahu waxdahu laa shariika lahu, lahul mulku wa lahul xamdu wa huwa calaa kulli shay-in qadiir} (toban mar) ama (hal mar) markaad daalantahay.< ilaah majiro xaq lagu caabudo alle mooyee kaligii, ma laha cid wax la wadaagtaa, wuxuu leeyahay boqornimo, wuxuuna leeyahay mahadda, wax walbana wuu awoodaa >.

{laa ilaaha illallaahu waxdahu laa shariika lahu, lahul mulku wa lahul xamdu wa huwa calaa kulli shay-in qadiir} (boqol jeer markuu waagu u baryo).< ilaah majiro xaq lagu caabudo alle mooyee kaligii, ma laha cid wax la wadaagtaa, wuxuu leeyahay boqornimo, wuxuuna leeyahay mahadda, wax walbana wuu awoodaa >.

{subxaanallaahi wa bixamdihi, ca-dada khalqihi wa ridaa nafsihi, wa zinata carshihi wa midaada kalimaatihi}(Saddex jeer marka uu waagu u baryo).“waxaa xumaan ka hufan oo mahad leh ilaahay, inta aytahay tirada uunkiisa, iyo raalinimada naftiisa, iyo miisaanka(culayska) carshigiisa, iyo anqaasta ama khadka erayadiisa.

{allaahumma innii as-aluka cilman naafican, wa risqan dayiban, wa camalan mutaqabbalan, } “allow waxaan ku weydiisanayaa cilmi wax anfaca, iyo irsiq wanaagsan oo xalaal ah, iyo camal suuban oo la aqbalo, (waxaa la dhahaa subaxdii).

{astaqfirullaaha wa atuubu ilayhi} “ilaahay ayaan dambi dhaaf weydiisanayaa ,una toobad keenayaa (boqol jeer maalinta dhexdeeda).

{acuudu bi kalimaatillaahittaamaati, min sharri maa khalaqa}(saddex mar markii uu galabaysto) “ waxaan uga magan galayaa kalmadaha ilaahay ee dhamayska tiran sharka waxa uu uumay.

{allahuma salli wa sallim calaa nabi-yyinaa muxammadin} (toban jeer).<> allow naxariis iyo nabadgalyo nabiga-naga muxammad korkiisa yeel>>. Waayo rasuulku s.c.w wuxuu shee-gay qofkii ku salliya toban jeer markii uu waagu u baryo, toban jeerna ku salliya markii uu galabaysto in shafaacadiisu(ergadiisu) gaarayso qofkaas maalinta qiyaamo}.

API