Fadliga tasbiixda & alxamdulilaahida & allaahu akbarta & laa ilaaha illallaah da.

Wuxuu yiri s.c.w:{qofkii yiraah-da maalintii (subxaanallaahi wa bixamdihi)boqol jeer waa laga hoobinay-aa danbiyadiisa, haba ahaato xunbada badda oo kale (waa xagga badnaanta)}.

Wuxuu yiri s.c.w:{ laa ilaaha illal-laahu waxdahu laa shariika lahu,lahul mulku walahulxamdu wahuwa calaa kulli shay-in qadiir} toban jeer. Qofkii yiraahda wuxuu lamid noqonayaa qof xoreeyey afar nafood oo ka mid ah awlaadda nabi ismaaciil.

Wuxuu yiri s.c.w :{laba kalmadood oo khafiif ku ah carrabka, kuna culus miisaanka, looguna jacaylbadanyahay xagga raxmaanka, subxaanallaahi wa bixamdihi, subxaanallaahilcadiim}.

Wuxuu yiri s.c.w : {in aan dhaho subxaanallahi walxamdulillaahi walaa ilaaha illallaahu wallaahu akbar ayaan ka jeclahay waxa ay qorraxdu ku soo baxday oo dhan}.

Wuxuu yiri s.c.w:{ma ka caajisayaa midkiin in uu kasbado maalin kasta kun xasano(ajir)? Markaasuu weydiiyay wey-diiye kamid ahaa dadkii la fadhiyay: sidee u kasban karaa midkanagu kun xasano? Wuxuu yiri rasuulku s.c.w:{wuxuu tasbi-ixsanayaa boqol tasbiixasho markaasaa loo qori kun xasano, lagana hoobin kun khadii-o (danbi).

{qofkii yiraahda : (subxaanallaahil-cadiim wa bixamdihi) waxaa loogu beer- ayaa jannada dhexdeeda geed timir ah}.

Wuxuu yiri s.c.w : cabdilaahi ibnu qaysow {ma ku tusaa kayd kaydadka jannada kamid ah? Wuxuu yiri: haa i tusi, wuxuu yiri rasuulku s.c.w:{waxaad tiraahdaa:( laa xawla walaa quwwata illaa billaahi}.

Wuxuu yiri s.c.w :{hadalka ilaahay ugu jecelyahay waa afar: {subxaanal-laahi, walxamdulilaahi walaa ilaaha illal- laahu, wallaahu akbaru } kuma dhibayso midkasta ood ku billowdo.

Nin reer miyyi ah ayaa u yimid rasu-ulka s.c.w markaa suu ku yiri: i bar hadal aan dhaho: markaa suu yiris.c.w : dheh: laa ilaaha illallaahu waxdahu laa shariika lahu, allaahu akbar kabiiraa, walxamdu lillaahi kathiiraa, subxaanallaahi rabbil caalamiina, laa xawla walaa quwwata illaa billaahi al-caziizi alxakiimi) wuxuu yiri ninkii: kuwani waa kuwii rabigay, ee anigu maxaan leeyahay? Wuxuu ku yiri rasuulku s.c.w: dheh: allaahumma iqfir lii, warxamnii, wahdinii, warzuqnii }.« allow ii dambi dhaaf, iina naxariiso, ina hanuuni, ina irsaaq>> .

Wuxuu ahaa ninku haddii uu is-laamo kii uu baro nabigu s.c.w salaada, kadibna wuxuu amrijiray inuu ku du-caysto kalmadahan: (allaahumma iqfir lii, warxamnii, wahdinii, warzuqnii }.« allow ii dambi dhaaf, iina naxariiso, ina hanuuni, ina irsaaq>> .

{ Duco waxaa ugu fiican ( alxamdu lillaahi) xusidna waxaa ugu fiican (laa ilaaha illallaahu) }.

erayada hadha ee wanaagsan waa kuwan: ( subxaanallaahi, walxamdu lil-laahi, wa laa ilaaha illallaahu, wallaahu akbaru, walaa xawla walaa quwwata illaa billaahi} .

API