Fadliga saliga nabiga s.c.w

{ wuxuu yiri raasuulku s.c.w:{qofkii igu salliya hal mar, ilaahay ayaa ku saliyi toban jeer}.

Haka yeelina qabrigayga ciid ama feesto(meel loo qasdiyo), ee igu salliya, salligiinuna wuu isoo gaarayaa meel kastood joogtaanba}

{ Wuxuuna yiri raasuulku s.c.w:{bakhaylku waa ka agtiisa la igu sheegay een igu salliyin}.

Wuxuuna yiri raasuulku s.c.w:{ Waxaa u sugnaaday ilaahay malaa-ig wareegta dhulka, kuwaas oo iga soo gaadhsiinaya umadayda salaanta}.

Wuxuuna yiri raasuulku s.c.w :{ majiro qof i salaamaya, haddii uu I salaa-mana, ilaahay ayaa iisoo celiya naftayda si aan uga celiyo(qofkaas) salaanta}.

API