Ducada sujuuda

(subxaana rabbiyal aclaa) saddex mar.< waxaa xumaan ka huffan rabbigaygii sarreeyay >.

(subxaanakalaahum wa bixamdika, allaahumaqfir lii,) (allow adigaa ka huffan xumaan,rabiganagow mahadna leh, allow ii dambi dhaaf).

(subbuuxun qudduus rabbul )55(malaaikati warruux).<>Waxaa xumaan ka hufnaan badan, ceebla>aanna badan rabbiga malaa>igta iyo malaku jibriilba>>.

(( Allaahumma laka sajadtu,wabika aamantu ,walaka aslamtu, sajada wajhii lilladii khalaqahu,wasawarahu (fa axsana suwarahu) wa shaqqa samcahu, wa-basarahu, fatabaarakallaahu axsanu-lkhaaliqiin)) .“allow adigaan kuu sujuuday ,adigaana ku rumeeyay, adigaana iskukaa dhiibay, wuxuu u sujuuday wajigaygu allihii abuuray,ee sawiray, una jeexay maqalkiisa(dhagihiisa) iyo aragiisa )56((indhihiisa) waxaa baraka badan ceebna ka huffan allihii ugu waangsanaa inta wax abuurta.*la soco abuuritaanku ilaahay ayuu u sugnaaday, qayrkiina wax ma abuuro ee wuu sawiraa.

(subxaana dil jabaruuti walmalakuuti, walkibriyaai wal cadamati) “waxaa hufan (xumaan ka hufan) eebaha leh awooda, boqortinimada, kibirka iyo weynaantaba.

{Allaahummaqfirlii dambii kullahu diqqahu,wa jillahu, wa awalahu wa aakhirahu,wa calaaniyatahu wasirahu}. )57(“allow ii dambi dhaaf dambigayga dhammaantiis, kiisa yar iyo kiisa weyn, kiisa hore iyo kiisa dambe, kiisa muuqda iyo kiisa qarsoonba>>.

(allaahumma innii acuudu biridaaka min sakhadika,wa bimucaafaatika min cuquubatika,wa acuudu bika minka laa uxsii thanaa-an calayka,anta kamaa athnayta calaa nafsika.)“allow raalinimadaada ayaan uga magan galayaa xanaaqaaga, cafiskaagana ciqaabtaada , adigaana kuu magangalayaa, mana koobi karo ammaan korkaaga,adigu waa sidaad isku ammaantay.

API