Ducada joogsashada safa iyo marwa.

{markii uu u soo dhawaaday rasu-ulku s.c.w buurta safa, wuxuu akhriyey aayadan{innasafaa wal-marwata min shacaa-irillaahi...} waxaan ku billaabayaa wuxuu ilaahay ku billaabay} wuxuuna ku bilaabay safo, wuuna koray, illaa uu ka arkay bayta, wuxuuna istiqbaalay qiblada, ilaahayna wuu waxiday, wuuna weyneeyey, wuxuuna yiri:{laa ilaaha il-lallaahu waxdahu laa shariika lahu lahul mulku walahu al-xamdu wahuwa calaa kulli shay-in qadiirun, laa ilaaha illalaahu waxdahu anjaza wacdahu, wanasara cabdahu, wa hazamal-axzaaba waxda-hu} kadib wuu duceeyay,intii u dhaxaysay intaas, wuxuuna yiri ducadan saddex mar} xadiiskan waxaa kaloo ku jiray, in uu sameeyay buurta marwana sida uu sameeyay buurta safa}

API