Adkaarta Aaddaanka

Wuxuu dhahayaa sida uu dhahayo mu-adinku, laakiinse marka uu soo gaaro mu-adinku(xayya calassalaati xayya calal-falaax oo ka dhigan u kaalaya salaada u kaalaya liibaanta) wuxuu dha-hayaa (laa xawla walaa quwwata illaa billaah oo kadigan: majiraan xeelad iyo awood ta ilaahay lagu helo mooyee).

(( wa anaa ash-hadu an laa ilaaha illalaahu waxdahu, laa shariika lahuu,)37(wa anna muxammadan cabduhu wa rasuuluhu, radiitu billaahi rabbaa, wa bi-muxammadin rasuulaa, wa bil-islaami diinaa )) . (( Aniguna waxaan qirayaa in ilaah jirin xaq lagu caabudo ilaahay mooyee,kaligii, cid wax la wadaagtana majirto, waxaan kaloon qirayaa in nabi muxammad yahay adoonkiisa iyo ergaygiisa, raali waxaan ku ahay rabbinimada ilaahay, iyo rasuulnimada nabi muxammad, iyo islaamkana diin ahaan )). (( wuxuu dhahayaa hadalkaas, ashahaadada mu-adinka kadib)) .

((wuxuu ku saliyayaa nabiga s.c.w Marka uu bogo u jawaabida ama kadaba dhihidda mu-adinka)).

25- (( wuxuu dhahayaa adinka marka uu dhamaado:{allaahumma rabbi hadihi al-dacwati attaamah wassalaati al-qaaimati aati muxammadan al-wasiilatah, wa fadi-ilah wab cath-hu allaahumma maqaaman maxmuudanilladii wacadtahu innaka laa tukhliful miicaad )) . “allow rabbigii dacwadan dhamayska tiran lahaayow, iyo salaada oogan lahaayow, sii muxammad (s.c.w) wasiilada( oo ah darajo jannada ka mid ah) iyo darajo dadka dheer, soo saarna maalinta qiyaamada isagoo taagan meel lamahadiyay, kaasood u ballan qaaday, adiguna allow ma goysid ballanka.

‘’ wuxuu ducaysanayaa adinka iyo aqinka dhexdooda, ducada waqtigaasna lama celiyo.

API