Dambidhaaf waydiisiga iyo towbada.

{ Wuxuu yiri rasuulku s.c.w: { wal-laahi, anigu waxaan dambidhaaf way-diistaa ilaahay, waana u toobaadkeenaa maalintii in kabadan, todobaatan mar}.

{ Wuxuu yiri s.c.w: ( Dadow u toobadkeena ilaahay, anigu waxaan u toobadkeenaa ilaahay maalintiiba boqol mar } .

{ Wuxuu yiri s.c.w: {qofkii yiraahda: (allaha wayn ayaan dambidhaaf way-diisanayaa, ilaah xaq lagu caabudaana majiro isaga mooyee, waana Eebaha nool, khalqigana maamula, waana u toobadkeenayaa) ilaahay wuu u dambi dhaafayaa, xitaa haddii uu kasoo cararay dagaalka (furinta jihaadka)}.

{ Wuxuu yiri s.c.w: (marka uu ugu dhawyahay ilaahay adoonka waa saqda dhexe ee habeenkii, hadaba haddii aad karto inaad noqotid kuwa ilaahay xussa saacaddaas, ahow }.

Wuxuu yiri s.c.w < marka uu u dhawyahay adoonku rabbigiis, waa marka uu sujuudsanyahay, ee badiya ducada >.

Wuxuu yiri s.c.w: { waa la daboolaa (la ilawsiiyaa) qalbigayaga, waxaana waydiistaa ilaahay dambidhaaf maalintii boqol jeer}.« Nabigeena s.c.w afka kama qaadijirin xussida ilaahay, hadaba marmar ayuu halmaamijiray mashquul awagiis, taasna dambi ayuu u arki jiray,markuu saa u xasuustana islamarkaaba wuxuu la imaanjiray istiqfaar > .

API