U hanbaliyeenta qofka cunug u dhasho iyo jawaabtiisa

{baarakallaahu laka fil-mawhuubi laka, wa shakarta waahiba, wa ballaqa ashuddahu, wa rusiqta birrahu} “ilaahay ha kuu barakeeyo ilmahan laguu hibeeyay, adigana ilaahay ha kaa yeelo mid ku shukriya (hibadiisa) ,hana gaarsiiyo hanaqaadkiisa (xoogiisa), ha lagugu irsaaqana wanaagiisa iyo baarinimadiisa.Wuxuu ugu jawaabayaa waalidka ilmaha dhalay:( baarakallaahu laka wa baaraka calayka wa jazaakallaahu khayraa, wa rasaqaka allaahu mithlahu wa ajzala thawaabaka).< ilaahay hakuu barakeeyo, korkaagana ha barakeeyo, khayrna ha kugu abaal mariyo, hana kugu irsaaqo isagoo kale, hana weyneeyo ajirkaaga >.

API