Ducada qofka kacabsada dulmiga(gar darrada) suldaanka(madaxda)

{Allahumma rabbassamaawatissab-ca wa rabbal-carshilcadiim, kun lii jaaran, calaa fulaan ibnu fulaan wa axzaabihi min khalaaiqika an yafruda calayya axa-dun minhum aw yadqaa, cazza jaaruka wa jalla thanaa-uka walaa ilaaha illaa anta}“allow rabigii todobada cir rabigooda ahaayow, carshiga weyna rabigiisa ahaayow, iiga noqo badbaadiye hebal hebal iyo xulufadiisa oo kamid ah uunkaaga, in qof kamid ihi iyaga igu xad gudbo,ama igu qooqo (kibro), waxaa weyn allow magan galintaada waxaana weyn ammaantaada, ilaah xaq lagu caabudaana majiro adiga mooyee.

{allaahu akbar, allaahu acazzu min khalqihi jamiican, allaahu acazzu mimmaa akhaafu wa axdaru, wa acuudu billaahi alladii laa ilaaha illaa huwa, almumsiki assamaawaati assabci an yaqacna calal ardi illaa bi idnihi, min sharri cabdika fulaanin, wa junuudihi wa atbaacihi wa ashyaacihi, minal jinni wal insi, allaahumma kun lii jaaran min sharrihim, jalla thanaauka wa cazza jaa- ruka, wa tabaarakasmuka, walaa ilaaha qayruka} . saddex mar< allaa weyn, allaa ka adag uunkiisa oo dhan, allaa ka adag waxa aan ka baqayo een ka digtoonaanayo, waxaan u magan galayaa ilaahayga uusan jirin ilaah xaq lagu caabudo isaga mooyee, allaha ka haya cirarka todobada ah inay kusoo dhacaan dhulka inuu u idmo mooyee, sharka adoonkaaga hebal ah, iyo ciidankiisa, kuwa raacsan iyo kooxihiisaba oo kamid ah jin iyo insiba, allow iiga ahaw badbaadiye sharkooda, waxaa weyn ammaantaada, waxaana adag badbaadadaada,waxaana sareeya magacaaga, mana jiro ilaah xaq lagu caabudo oon adiga ahayn > .

API